Surah Al-Muddaththir ( The One Enveloped )

soomaali

Surah Al-Muddaththir ( The One Enveloped ) - Aya count 56

يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمُدَّثِّرُ ﴿١﴾

(Nabiga) Isadadayow.

قُمْ فَأَنذِرْ ﴿٢﴾

Istaag oo dig.

وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ ﴿٣﴾

Eebahaana waynee.

وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ ﴿٤﴾

Dharkaagana daahiri.

وَٱلرُّجْزَ فَٱهْجُرْ ﴿٥﴾

Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada).

وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ ﴿٦﴾

Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay).

وَلِرَبِّكَ فَٱصْبِرْ ﴿٧﴾

Eebahaa Dartiisna u Samir.

فَإِذَا نُقِرَ فِى ٱلنَّاقُورِ ﴿٨﴾

Marka Suurka (yiaame) la Afuufo.

فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍۢ يَوْمٌ عَسِيرٌ ﴿٩﴾

Maalintaasu waa maalin ku Daran.

عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍۢ ﴿١٠﴾

Gaalada oon u Fududayn.

ذَرْنِى وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًۭا ﴿١١﴾

Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa.

وَجَعَلْتُ لَهُۥ مَالًۭا مَّمْدُودًۭا ﴿١٢﴾

Una yeelay Xoolo Badan.

وَبَنِينَ شُهُودًۭا ﴿١٣﴾

Iyo Wilaal Jooga oo «Darban».

وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمْهِيدًۭا ﴿١٤﴾

Aan una waasiciyay Risqiga.

ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ ﴿١٥﴾

Oo haddana sii damci inaan u Badiyo.

كَلَّآ ۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِءَايَٰتِنَا عَنِيدًۭا ﴿١٦﴾

Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga.

سَأُرْهِقُهُۥ صَعُودًا ﴿١٧﴾

Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran.

إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ ﴿١٨﴾

Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay.

فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ ﴿١٩﴾

Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay.

ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ ﴿٢٠﴾

Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay.

ثُمَّ نَظَرَ ﴿٢١﴾

Kadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo).

ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ ﴿٢٢﴾

Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay.

ثُمَّ أَدْبَرَ وَٱسْتَكْبَرَ ﴿٢٣﴾

Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay.

فَقَالَ إِنْ هَٰذَآ إِلَّا سِحْرٌۭ يُؤْثَرُ ﴿٢٤﴾

Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn.

إِنْ هَٰذَآ إِلَّا قَوْلُ ٱلْبَشَرِ ﴿٢٥﴾

quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn.

سَأُصْلِيهِ سَقَرَ ﴿٢٦﴾

waxaannu galin kaas (Naarta) saqara.

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سَقَرُ ﴿٢٧﴾

Ma taqaannaa Naarta Saqara.

لَا تُبْقِى وَلَا تَذَرُ ﴿٢٨﴾

Hilib iyo laf midna ma Reebto.

لَوَّاحَةٌۭ لِّلْبَشَرِ ﴿٢٩﴾

waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa).

عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ ﴿٣٠﴾

waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf).

وَمَا جَعَلْنَآ أَصْحَٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَٰٓئِكَةًۭ ۙ وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةًۭ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيَسْتَيْقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلْكِتَٰبَ وَيَزْدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِيمَٰنًۭا ۙ وَلَا يَرْتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلْكِتَٰبَ وَٱلْمُؤْمِنُونَ ۙ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌۭ وَٱلْكَٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًۭا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ وَمَا هِىَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ ﴿٣١﴾

Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee.

كَلَّا وَٱلْقَمَرِ ﴿٣٢﴾

Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye.

وَٱلَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ ﴿٣٣﴾

Iyo Habeenku Markuu Jeedsado.

وَٱلصُّبْحِ إِذَآ أَسْفَرَ ﴿٣٤﴾

Iyo Subaxu markuu iftiimo.

إِنَّهَا لَإِحْدَى ٱلْكُبَرِ ﴿٣٥﴾

Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka).

نَذِيرًۭا لِّلْبَشَرِ ﴿٣٦﴾

Waana Digniinta Dadka.

لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَتَقَدَّمَ أَوْ يَتَأَخَّرَ ﴿٣٧﴾

Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay).

كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ ﴿٣٨﴾

Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay.

إِلَّآ أَصْحَٰبَ ٱلْيَمِينِ ﴿٣٩﴾

Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka).

فِى جَنَّٰتٍۢ يَتَسَآءَلُونَ ﴿٤٠﴾

Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin.

عَنِ ٱلْمُجْرِمِينَ ﴿٤١﴾

Dambiilayaasha.

مَا سَلَكَكُمْ فِى سَقَرَ ﴿٤٢﴾

Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara.

قَالُواْ لَمْ نَكُ مِنَ ٱلْمُصَلِّينَ ﴿٤٣﴾

Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada.

وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ ٱلْمِسْكِينَ ﴿٤٤﴾

Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka.

وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلْخَآئِضِينَ ﴿٤٥﴾

Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban.

وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ ﴿٤٦﴾

Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada).

حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلْيَقِينُ ﴿٤٧﴾

Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu).

فَمَا تَنفَعُهُمْ شَفَٰعَةُ ٱلشَّٰفِعِينَ ﴿٤٨﴾

Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca.

فَمَا لَهُمْ عَنِ ٱلتَّذْكِرَةِ مُعْرِضِينَ ﴿٤٩﴾

Maxaase u sugnaaday iy waanada uga Jeedsadaan.

كَأَنَّهُمْ حُمُرٌۭ مُّسْتَنفِرَةٌۭ ﴿٥٠﴾

ood u moodaa Dameero Diday.

فَرَّتْ مِن قَسْوَرَةٍۭ ﴿٥١﴾

oo ka Cararay libaax.

بَلْ يُرِيدُ كُلُّ ٱمْرِئٍۢ مِّنْهُمْ أَن يُؤْتَىٰ صُحُفًۭا مُّنَشَّرَةًۭ ﴿٥٢﴾

Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab).

كَلَّا ۖ بَل لَّا يَخَافُونَ ٱلْءَاخِرَةَ ﴿٥٣﴾

Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro.

كَلَّآ إِنَّهُۥ تَذْكِرَةٌۭ ﴿٥٤﴾

Waxaa sugan in Quraanku waana yahay.

فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ ﴿٥٥﴾

Ruuxii Doona yaana waantoobi.

وَمَا يَذْكُرُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ هُوَ أَهْلُ ٱلتَّقْوَىٰ وَأَهْلُ ٱلْمَغْفِرَةِ ﴿٥٦﴾

Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inii Dambi Dhaafo.